QISADA 1AAD

Tukashadu waxay kordhisaa awooda dhaqdhaqaaqA

LA KULANKA MASIIXA

Tallaabooyinkan fudud waxay ina barayaan sidii aynu ula kulmi lahayn Ciise Masiix maalin kasta muddo 60 daqiiqo ah (1 saac).

LIX TALLAABO OO FUDUD

6-dan tallaabo waa habka aynu ku baran karno Ereyga Ilaahay, oo xidhiidh dhow ula yeelan karno Ciise Masiix!

Waxaanu nahay laamihii Ciise Masiix annaga oo midho samaynayna

— Yooxanaa 15

Waxaanu jecel nahay Ilaahay annaga oo Eraygiisa adeecayna

— Yooxanaa 14:21

Waanu ducaysanaa, oo soonaa oo waxaanu dhagaysanaa Ilaahay

— Matayos 6

Waanu allabarinaa annaga oo qaadayna Rabbi ammaan

— Sabuurraddii 96

1. AKHRI QISADAN

Kadibna ka fikir waxa uu Ilaahay leeyahay

Afartan cisho kadib markii Ciise Masiix laga sara kiciyey dhimashada, waxa uu u muuqday xertiisii waxaana uu siyaabo kala duwan ugu cadeeyey in xaqiiqdii uu nool yahay.

Waxa uu kala hadlay Boqortooyada Ilaahay, waxaana uu ku yidhi, “Waxaad heli doontaan awood marka Ruuxa Quduuska ahi idin ku soo dago. Warkayga Wanaagsana meel kasta ayaad ku faafin doontaan: waxaad ku dhex faafin doontaan Warka Wanaagsan cadawyadiina dhexdooda, iyo sidookale magaalladatan, iyo gobolkan iyo daafaha dunida oo dhan.”

Ciise Masiix markii uu intaas yidhi, waxaa loo qaaday xagga samada. Xertiisii ayaa magaallada ku laabatay, waxayna tageen guri dabaq ah qaybtiisii sare, dhammaantood na halkaas ayey ku kulmeen oo way tukanayeen. Markii ay damceen inay doortaan hoggaamiye cusub, waxay ku ducaysanayeen, “Ilaahoow Rabbiyoow, waad garanaysaa qalbi kasta. Na tus qofka aad ka dhex dooratay raggan.”

Xertii Ciise Masiix waxay wakhti ku baxsheen dhagaysiga Ilaahay, barashada Jidka Ilaahay iyo Eraygiisa. Mid ba midka kale ayuu saaxiib la ahaa, waxay wadaagi jireen cuntada, way wada ducaysan jireen oo way wada soomi jireen sidii Ciise Masiix sameeyey oo kale. Waxay si qoto dheer u dareemi jireen la jirka Ilaahay, Ilaahay na waxa uu ka bilaabay magaalladii ay joogeen mucjisooy isaga oo iyaga a deegsanaya.

Hadaba Dhammaan xertii Ciise Masiix wixii ay hanti lahaayeen midba wuxuu la wadaagay kan kale ee uga baahida badan. Maalin kastana waxay Ilaahay ku ammaani jireen qasiidooyin, iyaga oo guryaha ku kulamaya, iyo sidookale iyaga oo wada cuntayna qalbi deeqsinimo ku jirtana leh. Natiijadii waxay noqotay in maalinkasta Ilaahay badalo qalbiyada dad badan, waxayna raaceen dadkaasi Ciise Masiix, wayna badbaadeen.

Markii Butrus iyo Yooxanaa laga sii daayey xabsiga, waxay la kulmeen xertii kale waxayna u sheegeen waxyaabihii wadaadadii diimihii hore ay sheegeen. Markii xerow kastaa maqlay warbixintii Butrus iyo Yooxanaa gacmaha ayey kor u taageen iyaga oo ku ducaysanaya: “Rabbiyoow Ilaahoow, maqal hanjabaada wadaadadan, oo nasii dhiiranaan aanu ku faafino Warkaaga Wanaagsan. Ilaahoow gacantaadu hana siiso awooda bogsiinta, mucjisooyina haku dhaceen magaca awooda badan ee Ciise Masiix.”

Markii ay xertii intaas ku duceeyeen ayaa gurigii ay ku jireen gariiray, dhammaantood na waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah. Waxay Warka Wanaagsan ee Ilaahay faafiyeen iyaga oo dhiiranaani ku jirto.

Markii xertii Ciise Masiix si degdeg ah u tarmeen, waxay u baahdeen hoggaamiyayaal badan. Markaas ayaa koox hoggaamiyayaal ah oo xerta kamid ahaa doorteen todobo nin oo Ruuxa Ilaahay iyo xikmadi ba ka buuxdo. Xertii ayaa gacmahooda dulsaaray raggii la doortay, wayna u duceeyeen, Warka Wanaagsan ee Ilaahayna wuu sii faafay, tirada xerta Ciise Masiix ku soo biirtayna si weyn ayey u sii korodhay. Hoggaamiyayaal badan oo haystay diinmihii hore ayaa sidookale ka mid noqday xertii Ciise Masiix.”

FALIMAHA
RASUULLADA
1 - 4 (SOM NLT)

2. Ka jawaab Su'aalaha

Kadibna la wadaag wixii aad baratay

Sidii xertii Ciise Masiix oo kale, waa inaynu nafteena u hibaynaa laba shayba: waa tukashada iyo faafinta Warka Wanaagsan ee Ilaahay.
— Falimaha Rasuullada 6:4

Marka aynu labadan arimood sida ay yihiin u samayno, Ilaahay wuxuu keeni doonaa dhaqdhaqaaq xer ah sidii uu u keenay qarnigii koowaad ee taariikhda miilaadiga.

Next
Next

2 - Nasii Indho Wax Arka