TABABARKA QORSHAYSAN
EE TUKASHADA
TUKASHADA QORSHAYSANI waxay muhiim u tahay si guud samaynta xer cusub, si gaar ahaaneed na meelaha lagu SILCIYO xerta Ciise Masiix raacday iyo meelaha WARKA WANAAGSAN ee ILAAHAY uusan gaadhin ayay muhiim u tahay tukashada qorshaysani.
Hadaba waxaa muhiimad gaar ah inoo leh inaynu wakhtigeena ku bixino samaynta TUKASHO QORSHAYSAN, waxa ayna mudan tahay inaynu dadaal ku bixino arintaas.
Bilow ilaa dhammaad TUKASHADU waa xidhiidhka mu’minka iyo Ilaahay ka dhaxeeya. Waxaa jira qaabab badan oo kala duwan oo aynu u DUCAYSAN karno, iyo xeelado kala duwan oo TUKASHADA ku saabsan.
Tababarkan ku saabsan TUKASHADU waa mid ku dhiirigalin doona, kaana caawin doona inaad si wanaagsan u qorshaysato TUKASHADA ama wakhtiga aad Ilaahay la qaadanaysid. Xooga waxaynu saaraynaa TUKASHO aqbal ah oo aynu ku gaadhayno dadka aan Erayga Ilaahay gaadhin.
TUKASHADA QORSHAYSANI waxa ay ka dhigan tahay samaynta qorshaha Ilaahay. Waa ficilo lagu muujiyey TUKASHO, oo leh rajada in la arko shuqullada Ilaahay.
TUKASHADA QORSHAYSANI waa mid joogto ah. Waa TUKASHO soconaysa ilaa inta laga arkayo aqbalka DUCADA iyo isbadal ku yimaada waxyaabihii laga ducaynayey.
Waxaanu ku ducaynaynaa in tababarkan ku saabsan TUKASHADA QORSHAYSANI innaga dhigo mid dadaalka TUKASHADEENA xoojiya, iyo mid ina garan siiya shuqullada Ilaahay si ka duwan siyaabihii hore!
Waxaanu ku DUCAYNAYNAA in TUKASHADAN qorshaysani ahaato mid dadkeena ficilo mucjisooyin ah tusta iyo mid innnagu hagta in dadkeena Soomaaliyeed Warka Wanaagsan ee Ilaahay gaadho.

