QISADA 2AAD
Nasii Indho
Wax Arka
Waxaa jira daggaal aynaan arki karin innagu, waa daggaal ruuxi ah oo socda, una dhaxeeya boqortooyada gudcurka ah ee shaydaanka iyo malaa’igta Ilaahay.
Laakiin waxaynu waydiisan karnaa Ilaahay inuu ina siiyo qalbi wax arka, iyo awooda aynu ku baran karno dagaalka ruuxiga ah.
1. AKHRI QISADAN
Kadibna ka fikir waxa uu Ilaahay leeyahay
“Markii boqorkii Suuriya damcay in uu la dagaalo reer bani Israa’iil, waxa uu la hadii jiray saraakiishiisii ciidanka isaga oo leh, “Ciidan aynu ku diyaarino meel hebla.” Laakiin isla markiiba Nebi Ilyaas ayaa u digay boqorkii reer bani Israa’iil, isaga oo leh, “Meel hebla ha u dhawaanina, oo Suuriyaan kii ayaa ciidankooda halkaas ku diyaarinaya.” Markaas na boqorkii reer bani Israa’iil waxa uu u digi jiray ciidankiisii.
Marar tiro badan ayaa Nebi Ilyaas u digay boqorkii reer bani Israa’iil, si uu uga digtoonaado wakhti ku haboon. Boqorkii Suuriya aad ayuu u cadhooday, oo waxa uu iskugu yeedhay saraakiishii ciidan kiisa, waxaana uu waydiiyey, “Keebaa idin ka mid ah oo jaajuus ah? Waa kuma qofka u sheega boqorka reer bani Israa’iil qorshayaashayda?”
Saraakiishii mid kamid ah ayaa ugu jawaabay, “Boqorkaygiiyoow annaga ma aha, ee waa Nebi Ilyaas oo qorshayaashaada oo dhan iyo hadaladaada iyo xitaa wixii aad qolka jiifka ku dhex tidhaahdo u sheega boqorka reer bani Israa’iil!” Markaas ayaa boqorkii amar bixiyey oo waxa uu yidhi, “Taga oo soo ogaada Meesha Ilyaas joogo, si aan ciidankayga ugu diro si ay u soo qabtaan.” Waxay ku jawaabeen: “Ilyaas waxa uu joogaa woqooyiga Falastiin.”
Kadib, habeen ayaa boqorkii Suuriya waxa uu ciidamo u diray magaalladii uu Nebi Ilyaas joogay. Markii adeegihii Nebi Ilyaas toosay aroortii oo uu banaanka u baxay, waxa uu arkay ciidan meel kasta taagan. Markaas ayuu Nebi Ilyaas waydiiyey, “Nebiyow maxaynu samaynaa?”
Nebi Ilyaas na waxa uu ugu jawaabay, “Ha cabsanin, waxaa jira ciidan badan oo innaga ina la jira marka loo barbardhigo kuwa innaga soo horjeeda!” Markaas ayaa Nebi Ilyaas ku ducaystay, “Ilaahoow Rabbiyoow, fur indhaha adeegahayga oo wax ha arko!”
Markaas ayaa Ilaahay furay indhihii adeegaha, markii uu kor eegay adeegihiina, waxa uu arkay buurihii ku hareeraysnaa meeshii ay joogeen oo ciidan badan oo malaa’ig ah ay joogaan.
Markii ciidankii boqorkii Suuriya u dhawaadeen meeshii Nebi Ilyaas uu joogay, Nebi Ilyaas ayaa duceeyey oo yidhi, “Rabbiyoow Ilaahoow, ciidankan indho tir.” Markaas ayaa Ilaahay sameeyey sidii Nebi Ilyaas ku ducaystay oo ciidankii Suuriyaanka ahaa ayuu indha tiray.
Kadibna Nebi Ilyaas ayaa banaanka u baxay oo ciidankii Suuriyaanka ahaa ayuu ku yidhi, “Meel khaldan ayaad timaadeen, oo magaallada tan ma aha tii saxda ahayd ee aad u socoteen. Isoo raaca oo waxaan idiin gayn doonaa ninkii aad raadinayseen.” Markaas ayaa Nebi Ilyaas ciidankii Suuriyaanka ahaa wuxuu u ka xeeyey Samaariya.
Markii ay tageen Samaariya, Nebi Ilyaas ayaa ku duceeyey, “Ilaahoow Rabbiyoow, hadda fur indhahooda.” Kadibna Ilaahay ayaa furay indhahoodii, waxay xaqiiqsadeen Meesha ay joogaan inay tahay Samaariya. Kadibna waxa arkay ciidankii Suuriyaanka ahaa boqorkii reer bani Israa’iil, boqorkii ayaa Nebi Ilyaas ku yidhi, “Miyaan dilaa ciidankaan?”
Nebi Ilyaas ayaa ugu jawaabay. “Maya ha dilin! Miyaa la dili jiray maxaabiista dagaal lagu soo qabtay? Sii waxay cunaan oo ay cabaan kadibna dalkoodii ha tageen.” Markaas ayaa boqorkii reer bani Israa’iil u sameeyey casuumaad wayn cadawgiisii, casuumaadii kadib na ciidankii Suuriyaanka ahaa ayuu u diray dalkoodii. Kadib taasi waxay sababtay in ciidankii Suuriyaanka ahaa mar danbe aysan soo weerarin reer bani Israa’iil.”
BOQORADA
LABAAD 6
(SOM NLT)
2. Ka jawaab Su'aalaha
Kadibna la wadaag wixii aad baratay
Hadaba aynu Ilaahay waydiisano in uu indhaheena furo si aynu la jirkiisa u aragno iyo dagaalka ruuxiga ah ee innagu hareeraysan, iyo qaabka shuqullada Ilaahay ay u shaqaynayaan.
Sida Nebi Ilyaas oo kale, Ilaaha Rabbigeena ahi waxa uu doonayaa inuu ina siiyo indho aynu ku arki karno meesha cadawgu doonayo inuu innaga soo weeraro, iyo qaabka Ilaahay inoogu dagaalami doono si dagaalka ruuxiga ah aynu ugu guulaysano. Laakiin muhiimadu waa inaynu leenahay indho wax arka.

