QISADA 5AAD
Allabarigu Wuxuu Horseedaa Guul
Badanaa wakhti badan kuma bixino inaynu Ilaahay dhagaysano. Haddii aynu doonayno inaynu Ilaahay barino, isla markaba waxaynu bilownaa duco.
Laakiin waxaa muhiim ah inaynu barano qaabka Ilaahay loo dhagaysto. Rabbiyoow maxaad doonaysaa inaynu maanta ku ducaysano? Aynu taas Ilaahay waydiisano.
1. AKHRI QISADAN
Kadibna ka fikir waxa uu Ilaahay leeyahay
“Waxaan Yashuucoow kuu ballanqaadayaa wixii aan u ballanqaaday Muuse: “Meel kasta oo aad cagtaada dhigto, waxay ahaan doonaa dhul aan ku siiyey, koonfur ilaa wuqooyi, bari ilaa galbeed, qof ku hor istaagi doonaa ama kaa hor imaan doonaa ma jiro inta aad ka nooshahay. Waan kula jiri doonaa sidii aan Muuse ula jiray. Kuma dayrin doono oo kuma guul darayn doono.
Dhiiranoow oo adkaysi lahaw, waxaad tahay kan dadkayga u hoggaamin doona dhulkii aan u ballanqaaday awoowayaashood ee aan siiyey. Dhiiranoow oo adkaysina lahaw. Oo taxadar u lahaw inaad tilmaamahayga oo dhan raacdid, hana hilmaamin oo haka tagin, markaasna waxaad ahaan doontaa mid ka midho dhala waxkasta uu samaynayo. Ha cabsanin oo ha niyad jabin oo Anigu waan kula jiri doonaa meel kastoo aad tagto.”
Markaas ayaa Yashuuca si qarsoodi ah wuxuu u diray laba nin oo basaasiin ah. Wuxuuna ku yidhi, “Soo indha- indheeya dhulka wabiga Urdun dhinaca kale ka xiga, gaar ahaan magaallada Jeriko.” Markii ay laba dii nin tageen, waxay u tageen islaan gogol dhaaf samayn jirtay oo la oran jiray Rihaab, oo habeen ayey la joogeen.
Labadii nin ee basaasiinta ahaa ka hor intii aysan seexan waxaa u tagtay Rihaab. Waxay ku tidhi, “Waxaan ogahay in Ilaahay dhulkaan idin siiyey, dhammaantayona waan idin ka cabsanaa, qofkastoo halkaan ku noolna cabsi ayuu ku nool yahay. Waxaanu maqalnay in Ilaahay badda kala barkeeda dhul engegan idiin ka dhigay markii aad ka soo tagteen Masar. Qof ku dhiiran karaa ma jiro inuu idin la dagaallamo markii ay intaas maqleen.
Ilaaha weyn ee Rabbigiina ahi waa Ilaaha sarre ee samooyinka. Hadda ii ballanqaada inaad ii naxariisan doontaan aniga iyo reerkaygaba maadaama aan idin caawiyey. Isiiya damaanad ah markii aad weerartaan Jeriko, kadib inaan ku sii noolaan karo, aniga, iyo hooyaday iyo aabahay iyo walaalahay iyo reerahooda.”
Waxay ugu jawaabeen, “Badqabkaaga waxaanu damaanad ahaan ugu bixinaynaa naftayada, haddii aadan na khiyaamayn, ballantan waanu ilaalinaynaa, waana kuu naxariisanaynaa marka Ilaahay na siiyo dhulkaan.”
Markii Yashuuca ku dhawaa magaalladii Jeriko, kor ayuu eegay oo wuxuu arkay nin seef gacanta ku haysta. Yashuuca kor ayuu tagay oo ninkii ayuu ku yidhi, “Ma waxaad tahay saaxiib kayga mise cadawgayga?” Ninkii wuxuu ku jawaabay, “Midna ma ahi, ee waxaan ahay taliyaha ciidanka Ilaahay.”
Markuu intaas yidhi ayaa Yashuca xushmad darteed u sujuuday, oo wuxuu ku yidhi ninkii, “Waad i amri karaysaa, maxaad doonaysaa in adeegahaagu sameeyo?” Taliyihii ciidanka Ilaahay ayaa ku jawaabay, “Iska bixi kabaha, Meesha aad taagan tahay waa meel quduus ah.” Yashuucana waxa uu sameeyey sidii loo sheegay.
Markaas dadkii Jeriko waxay xidheen albaabadii magaalladii Jeriko maadaama dadkii Ilaahay ay ka ag dhawaayeen. Qofna looma ogolaan inuu soo galo ama ka baxo magaallada. Laakiin Ilaahay ayaa Yashuuca ku yidhi, “Waxaan ku siiyey Jeriko. Adiga iyo reerkaaguba waa inaad ku soo wareegtaan magaallada hal mar muddo lix maalmood ah. Todobo kamid ah Hoggaamiyayaashada Ruuxiga ah ayaa la jirkayga aawadiis socon doona, iyaga oo midkastaa sito buun.
Maalinta todobaad marka la joogo, waxaa Jeriko ku soo wareegtaan todobo jeer, idinka oo hoggaamiyayaashiinu yeerinayaan buunka. Marka aad buunka maqashaan, dadka oo dhan si wayn ha u qayliyaan. Markaas na waxaa dumaya gidaarada magaallada.”
YASHUUCA
1, 2, 5, 6
(SOM NLT)
2. Ka jawaab Su'aalaha
Kadibna la wadaag wixii aad baratay
Hada waxaynu Ilaahay waydiisanaynaa sida uu u doonayo in dhulkeena Allabari ugu samayno innaga oo ah mu’miniintiisii.
Allabarigu wuxuu dunshaa gidaarada cadawga.

