QISADA 4AAD

DANBIYADII IYO CAADOOYINKII XUMAA EE AWOOWAYAASHEEN

Marka ay qalbiyadeena is-hoosaysiin ku jirto oo aynu raadinayno naxariista Ilaahay, innaga oo ka leexanayna danbiyadeena iyo caadooyinkii xumaaee awoowayaasheen, taasi waxay innagu hoggaamindoontaa guul aynu ka gaarayno danbiga, iyo fikiradaha xunxun ee danbigu keeni kara, iyo ruuxyada sharka ah ba.

1. AKHRI QISADAN

Kadibna ka fikir waxa uu Ilaahay leeyahay

QISADA 1AAD:

Markii Nebi Muuse dul joogay buurtii Siinaay, Ilaaha Rabbigeena ahi wuxuu ku yidhi isaga, “Haddii aad raacdid tilmaamahayga, oo si taxadar leh u fuliso amaradayda, waxaan idiin soo diri doonaa roob, dhulkuna wuxuu soo saari doonaa midho, geedaha dhulkuna waxay soo saari doonaan midhahooda.

Waad cuni doontaan oo si nabadgalyo ah ayaa dhulkiina ugu noolaan doontaan. Nabad ayaan dhulka idin ku siin doonaa, cabsi la’aana waad ku seexan doontaan. Dhulka waxaan ka kaxayn doonaa xaywaanka dadka waxyeela, oo cadawyadiinuna ma soo gaadhi doonaan dhulkiina.

Si naxariis leh ayaan idiin eegi doonaa, waxaana idin ka dhigi doonaa dad midho leh, oo tarma. Waxaan samayn doonaa Axdigii aan idin la galay. Midho goosi badan ayaad heli doontaan oo meelihii midhihii hore ka baxeen ayaa nadiifin doontaan si midho cusub meel ugu banaysaan! Waan idin ku dhex jiri doonaa, idin mana dayrin doono. Waan idin la socon doonaa; waxaan ahaan doonaa Ilaahiina, waxaad na ahaan doontaan dadkaygii.

Waxaan ahay Ilaaha Rabbigiina ah, oo idin ka keenay dhulkii Masar, si aydaan adoomo ugu noqon Masaarida. Waxaan jabiyey culayskii adoonimada ee qoorta idin kaga xidhnaa, si aad u socotaan idinka oo madaxiina kor u taagaya.

Laakiin, haddii aydaan i dhagaysan, oo amaradaydaan raacin, oo aad jabisaan axdigaygan idinka oo tilmaamahayga raacayn, oo amaradaydana aan ixtiraamayn, waan idin ciqaabi doonaa. Laakiin wakhtiga ay ku haboon tahay, dadkaygu waxay qiran doonaan danbiyadooda, iyo danbiyadii awoowayaashood, ee ballantaydii ka baxay, sidookalena aan raacin tilmaamahaygii.”

QISADA 2AAD:

Sanadkii koowaad ee saldanadii boqorkii Baabilyoon ee ahaa Daariyus, aniga oo ah Daanyeel ayaa akhrinayey Erayga Ilaahay, oo ah sidii Ilaahay u muujiyey Nebi Yeremyaah, waxaana ka bartay in dhulkeenu engegaan doono todobaatan sano.

Markaasna aniga oo tukanaya oo soomaya ayaan Ilaahay baryey. Waxaan qirtay oo Ilaahay ka baryey aniga oo leh: “Ilaahoow, Waxaad tahay Ilaaha way nee wanaagsan! Waxaad ilaalisaa ballamahaaga iyo jacaylka aan is dhimin ee aad u hayso dadka ku jecel oo adeeca amaradaada. Laakiin dadkaygu waa danbaabeen oo khalad ayey sameeyeen. Waanu kugu caasinay oo waxaanu hilmaamnay amaradaadii. Waxaanu diidnay inaanu dhagaysano Nebiyadaadii farcankaygii hore soo gaadhsiiyey amaradaadii.”

Waxaa hadda nagu dhacay ciqaabtii iyo musiibaddii lagu sheegay kitaabka Tawreed danbiyadayada aawadood. Sidaas oo ay tahayna Ilaahoow waxaanu diidnay inaanu naxariistaada doondoono, annaga oo danbiyadayada ka leexanayna, oo garawsanayna Runta. Sidaas aawadeed, Ilaahoow waad na edbisay.”

Waxaan sii waday tukashadii aniga oo qiranaya danbigayga iyo kii farcankayga, oo waydiisanaya Ilaaha Rabbigeena ah in uu cafiyo dadkayga. Aniga oo tukashadii ku jira ayaa waxaa ii yimid malag Jibriil, oo igu yidhi, “Daanyeeloow, halkaan waxaan u imid inaan wax ku fahansiiyo. Markii aad bilowday inaad ducaysato, Ilaahay ayaa ducadaadii maqlay oo wuxuu isiiyey amar. Hadda halkan waxaan u joogaa inaan arrintaas kuu sheego, oo Ilaahay agtiisana qaali ayaad ka tahay. Si taxadar leh u dhagayso arrintan si aad u fahamto.”

LAAWIYIINTII 26
DAANYEEL 9
(SOM NLT)

2. Ka jawaab Su'aalaha

Kadibna la wadaag wixii aad baratay

Hadda aynu qirano danbiyadeena, sidookale aynu Ilaahay u qirano danbiyada dadkeena. Sidookale, aynu waydiisano Ilaahay cafis, si cafiskiisa aynu u helno.

Qirashada danbiyadeena iyo kuwa dadkeena oo Ilaahay ka hor qirano waxay xoojinaysaa in Boqortooyada Ilaahay dadkeena ku dhex faafto.

Previous
Previous

3 - Awooda Tukashada iyo Soonka

Next
Next

5 - Allabarigu Wuxuu Horseedaa Guul