QISADA 3AAD
Awooda Tukashada iyo Soonka
Soonku waxa uu ku kordhin karaa qorshaha tukashada awood. Marka aynu Ilaahay hor tagno innaga oo is-hoosaysiinayna oo itaal daran, kuna doondoonayna Ilaahay qalbi daacad ah, markaas waxaa kordhaya awooda aynu ku maqli karno codkiisa, iyo hagidiisa, iyo amaradiisa ba.
1. AKHRI QISADAN
Kadibna ka fikir waxa uu Ilaahay leeyahay
QISADA 1AAD:
“Boqor Kuuros markuu ahaa boqorkii Faaris, sanadkiisii saddexaad ee saldanadiisii, aniga oo ah nabi Daanyeel ayaa muujin lay tusay, Marka muujintan la itusay, waxa aan ducaynayey oo sidookale aan soomanaa saddex isbuuc. Wakhtigaas aan soonka ku jiray wax hilib ah ma cunin.
Intii muujinta la itusayey, kor ayaan eegay oo waxaa la itusay nin xidhan dhar cad, dhexdana suun dahab ah ugu xidhan yahay. Waxaan maqlay ninka oo hadlaya ,markii aan maqlayna, waxaan la dhacay sujuud, oo wajigayga ayaan hoos u dhigay. Kadibna gacan ayaa itaabatay oo kor ayaa la ii qaaday. Aniga oo naxsan ayaa ninkii igu yidhi, “Daanyeeloow Ilaahay qiimo badan ayaad u leedahay, markaa si taxadar leh u dhagayso waxa aan kuu sheegaayo, aniga waa la ii kaa soo diray.”
Markaas na waxa uu yidhi, “Ha cabsanin Daanyeeloow. Markii u horeeyey ee aad bilowday inaad ku ducaysato faham oo aad Ilaahay hortiisa is-hoosaysiisay, ducadaadii waxaa laga maqlay carshiga. Waxaan u imid inaan kaaga jawaabo ducadaadii. Laakiin kow iyo labaatan cisho mid ka mid ah xaakinada shayaadiinta, oo ah amiirka Faaris ayaa i xanibay. Laakiin hadda waxaan halkan u joogaa inaan kuu sharraxo waxa dadkaaga ku dhici doona mustaqbalka, muujintani waxay ku saabsan tahay waxyaabaha dhici doona mustaqbalka.”
Markii uu ila hadlayey ninku, waxaan eegay dhulka, aniga oo aan awood u lahayn inaan erey dhaho. Markaas ayaa ninkii waxa uu taabtay bishumahayga, oo waxaan furay afkayga si aan u hadlo. Waxaan idhi, “Rabbigaygiiyoow, Aad baan u itaal daranahay. Sidee baa qof aniga oo kale ah oo adeegahaagii ahi kuula hadli karaa Ilaahoow? Awood ma lihi, oo si dirqi ah ayaan u neefsanayaa.”
Markaas ayaa ninkii markale i taabtay, waxaanan dareemay in awoodii igu soo laabanayso. “Ha cabsanin,” ayuu igu yidhi, waxaa kale oo uu igu yidhi “Ilaahay agtiisa qiimo weyn ayaad ku leedahay. Nabadi hakula jirto! Dhiiranoow! Xoog lahaw!” Markii uu ereyadan igu yidhi, isla markiiba awood ayaan dareemay oo waxaan ku idhi, “Fadlan ila hadal Ilaahoow, waxaad isiisay awood.”
Waxa uu iigu jawaabay, “Miyaad garanaysaa sababtii aan kuugu imid? Wakhti dhow waxaan la dagaallami doonaa boqorka Faaris, markaas kadibna waxaa iman doona boqorka Giriiga. Laakiin inta aanan kaa tagin ka hor, waxaan kuu sheegayaa waxa ku qoran Kitaabka Runta.”
QISADA 2AAD:
Mordikaay ayaa Ester u sheegay qiso dhamaystiran, oo ahayd in Haamaan lacag ballanqaaday in uu ku bixinayo burburinta dadka Ilaahay.
Waxa kale oo uu Ester ku yidhi: “Ha u malaynin inaad baxsan karto marka dadkaaga oo dhan la dilo maadaama aad joogtid qasriga boqortooyada. Haddii aad aamusnaato wakhtigan, markaas adiga iyo dadkaaguba waad dhiman doontaan. Balse Miyaad u malaynaysaa in Ilaaha Rabbigeena ahi kuu doortay boqorad wakhtigan?”
Markaas ayaa Aster u jawaabtay Mordikaay, oo waxay ku tidhi: “Tag oo isugu yeer dadka Ilaahay oo dhan si ay u soomaan. Saddex cisho wax ha cunina oo ha cabinina. Adeegayaashayda iyo aniguna sidaas oo kale ayaanu samayn doonaa.
Markaas kadibna inkastoo ay sharciga ka soo horjeedo, waxaan u tagi doonaa boqorka. Haddii ay waajib tahay inaan dhinto, waa inaan dhintaa.” Mordikaay wuxuu sameeyey wixii ay Estar u sheegtay, Ilaahay na dadkii Mordikaay wuxuu ka badbaadshay dhimasho.”
DAANYEEL 10
ESTEER 4
(SOM NLT)
2. Ka jawaab Su'aalaha
Kadibna la wadaag wixii aad baratay
Waa inaynu Ilaahay waydiisano sida uu u doonayo innagu inaan u tukano oo u soono si dadkeena uu u badalo, guulna aynu u aragno!

